Sunta dadka ka ilmeeysiisa oo lagu riday baarlamaanka Nigeria

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliska Nigeria

Booliska dalka Nigeria ayaa sunta dadka ka ilimeysiisa ku isticmaalay gudaha dhismaha baarlamaanka dalkaasi, waxaana taasi ay keentay in xildhibaannada ay hakiyaan ka doodida in la mudada loo dheereeyo xaallada degdega ah ee saaran waqooyiga dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in booliska ay doonayeen in ay baarlamaanka ka horjoogsadaan afhayeenka aqalka hoose, oo bishii lasoo dhaafay ku biiray mucaaradka.

Xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegaya in xaallada degdega ah ee lagu soo goray gobolada waqooyi aanay waxba ka tarin dagaalka ka dhanka ah ururka Boko Xaram.

Weriye BBC-da uga soo warramo Nigeria ayaa sheegaya in madaxa booliska Nigeria looga yeeray aqalka Senate-ka si su'aallo looga weydiiyo hab dhaqabka ciidammada ammaanka.