Gabadh Qadar eedaysay oo 'cabsi ku nool'

Lahaanshaha sawirka AFP

Gabadh u dhalatay waddanka Qadar oo shaacisay war sir ah ayaa BBC-da u sheegtay in ay ay cabsi ku nooshahay kadib markii ay tabisay eedihii sheegayay in waddanka Qadar uu ku helay wax isdabamarin tartankii loo galay cida martigalinaysa koobka kubadda cagta ee adduunka ee 2022.

Phaedra al-Majid ayaa sheegtay in gudigii sare ee Qadar u qaabilsanaa ol'olaha in ay u balanqaadeen hal milyan iyo badh doolar saddex kamid ah gudigii FIFA ee ucodaynayay cida martigalinaysa koobka oo Afrikaan si ay Qadar codkooda u siiyaan.

Laakiin gabadhaasi markii dambe waa ay ka noqotay eedaymahaasi, hadda ayayna sheegtay in lagu qasbay ka noqoshadaasi.

Gudigii Qadar u qabilsanaa ol'olaynta martigalinta koobka adduunka ayaa sheegay in xidhiidhka kubadda Cagta ee FIFA ay baareen ayna meesha ka saareen eedaymahaasi.