Shiinaha oo weriye maxkamadeynaya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Weriye Gao Yu

Weriye caan ka ah dalka Shiinaha, Gao Yu, ayaa la filayaa in maanta dacwadeeda ay maxkamad dhageysato, iyadoo lagu eedeeyay in sir dalkaasi uu leeyahay ay u gudbisay warbaahinada dibadda.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dacwada ay qeyb ka tahay sida weyn ee loo cuna qabateynayo xoriyatul qowlka,

Mrs Gao ayaa sheegtay in aysan galin dembiyada lagu eedeeyay.

Gao Yu waa todobaatan sano jir ah aadna loo qadariyo, ayaa hadda kahor la xiray, waxaana ay xabsi ku jirtay in kabadan shan sano.

Haddana mar kale waxaa lagu eedeeyay in ay xaday dukumiintiyo ay leeyiihiin xisbiga guddaha dalkaasi ka jira ee shuuciga ah ayna u gudbisay warbaahinta dibada.

Waxaa aad u yar in la sii daayo dadka kiisaskan oo kale lagu helo, waxaana inta badan lagu xukumaa xabsi daa’in.