Urdun oo xirtay mas'uul Ikhwaanul Muslimiin ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidammada ammaanka ee Urdun.

Dowladda Urdun ayaa xirtay ninka labaad ee ugu sareeya ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalkaasi.

Xiritaanka Zaki Bani Rushaid ayaa ah kii ugu sareeyay ee muddo sanado ah lagula kaco xubin ka tirsan mucaaradka dalkaasi.

Xarigiisa ayaa ka dambeeyay kaddib markii uu qoraal ku canbaareeyay qabqabashada siyaasiyiinta Islaamiga ah ee lagu xiray dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan u aqoonsaday ururka Ikhwaanul Muslimiinka mid argagaxiso ah.

Dowladda Urdun ayaa ku eedeeyeen Mr Bani Rushaid in uu dhaawacay xiriirka dal saaxiib dhow la ah.