Ban Ki-Moon: Waa uu sii yaraanayaa Ebola

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinya in xadiga faafidda cudurka Ebola uu hoos u dhacay meelaha qaar ee uu cudurka haatan ka jiro.

Ban Ki-Moon waxa uu sheegay in dadaalada looga hortagayo cudurka ay u muuqdaan in ay yihiin kuwa shaqeeyay oo natiijo wanaagsan keenaya.

Balse waxa uu intaasi ku daray in loo baahanyahay in dunidu ay sii wado dadaalada.

Dhinaca kale, madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr Mangaret Chan, ayaa ka digtay in cudurka uu ku fiido dalka Mali.

Waxay sheegtay in loo baahayahay in la damiyo ''dabka yar'' waa sida ay hadalka u dhigtaye, ka hor inta aanu gacanta ka bixin

Dr Chan, waxa ay sheegtay in lala socdo xaaladda shan boqol oo qof oo xiriir la sameeyay wadaad uu cudurku ku dhacay.

Cudurka Ebola ayaa haatan waxa uu ka jiraa wadamo ku yaalla Galbeedka Afrika, waxaana la sheegayaa in ay u dhinteen dad kor u dhaafaya shan kun oo qof.