Tunisia oo ay ka dhacayso doorasho

In ka badan 20 musharax - oo ay ku jirto hal haweeney ah - ayaa u tartamaya xilka madaxweynaha.

Musharaxiintaasi ayaa waxaa ka mid ah dhowr xubnood oo ka tirsanaan jiray maamulkii Ben Cali.

Waxaana ugu cad cad Baajid Essebsi, oo ah 88 jir, horayna u soo noqday afhayeenka Baarlamanka.

Waxa uu ku tartamayaa xisbiga Nidaa Tuunis, oo ah xisbi calmaani ah oo ku guulaystay inta badan kuraaasta Baarlamanka doorashooyinkii Barlamaanka ee la qabtay bishii Oktoobar.

Dadka aadka ulatartamaya ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha xukuumadda ku meelgaarka ah Munsif Almarzuuqii iyo Saliim Arriyaaxii oo ah bilyaneer da'yar sidoo kalana ah milkiilaha koox caan ku ah kubadda cagta.

Xisbiga Islaamiga ah ee Annahdah, kaasi oo dhawaantan lumiyay aqlabiyaddii Baarlamaanka ayaanan jirin cid u sharaxan ama cid uu xisbigaasi taageerayo.

Waxa ay sheegeen in taasi ay sabab u tahay iyaga oo aanan doonayn inay khalkhal galiyaan hannaanka uu dalka ugu guurayo dimuqraadiyadda.

Tan iyo kacdoonkii 2011-kii, dhaqaalaha Tuuniisiya - oo aad ugu tiirsanaa dalxiiska - ayaa kufaa dhacayay.

Codbixiyayaal badan ayaa ka doonaya madaxweynaha xiga inuu wax ka qabto shaqo la'aanta.

Natiijooyinka ayaa la filayaa inay soo baxaan dhammaadka todobaadka.