Ruushka oo sheegay qasaaraha cunaqataynta

Lahaanshaha sawirka RIA Novosti
Image caption Wasiirka Maaliyada ee Ruushka Anton Siluanov.

Ruushka ayaa sheegay inuu qasaari doono afartan bilyan oo dollar sanadkii cunaqabataynta reer galbeedka ay ku soo rogeen Ruushka faragalinta Ukrain darteed.

Wasiirka maaliyada ee Ruushka, Anton Siluanov ayaa ku sheegay lacagta hadal uu ka jeedinayay shir dhaqaale oo ka socda Moscow. Wuxuu kaloo sheegay in sicirka saliida shidaalka oo hoos u dhacaysa caalamka in ay waddanka uu ku qasaarayo sagaashan ilaa boqol kun oo bilyan oo dollar sanadkii.

Waxaa jira dhowr cuna qabatayn oo ay reer galbeed saareen Ruushka, oo bilaabmay kadib markii ay gobolka Crimea ay ku darsoontay Ruushka afdi la qabtay bishii March kadib.

Maalmihii la soo dhaafay Wasiirka arrimaha dibadda, Sergei Lavrov, ayaa ku eedeeyay reer galbeedka inay u isticmaalayaan cunaqabataynta si ay xukunka uga ridaan dowladda Ruushka.