Muran siyaasadeed oo ka taagan Zimbabwe

Image caption Zimbabwe waxaa mudaba xukumayay madaxweynaha ugu da'da weyn Afrika

Madaxweyne ku xigeenka dalka Zimbabwe Joyce Mujuru ayaa xoog looga saaray guddiga dhexe ee xisbiga talada haya ee ZANU-PF, arrintaasi oo shaki gelisay mustaqbalkeeda siyaasadeed.Waxa lagu eedeeyay in ay maleegeyso qorshe lagu khaarajinaayo madaxweynaha sagaashan jirka ah ee dalkaasi ee Robert Mugabe, eedeymahaasi oo ay ku tilmaantay sharaf dhac.

Xaaska madaxweyne Mugabe oo la rumeysan yahay in ay dooneyso in ay Mugabe xilka kala wareegto marka xilkaasi ka dego ayaa dhawaan billowday olole ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka dalka. Shakhsiyaad kale oo ku dhawaa Joyce Mujuru ayaa sidoo kale jagooyin ka waayay guddiga dhexe ee xisbigani.