Qarax ka dhacay Kabul oo dad lagu laayay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Safaaradaha iyo baabuurka ciidamada shisheeye ayaa bartilmaameed u ah Islaamiyiinta Afghanistan.

Wasaaradda caafimaadka dalka Afghanistan ayaa sheegaysa in weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaala madaxda dalkaasi ee Kabul ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof soddomeeya kalena ay dhaawacmeen.

Afhayeen u hadlay safaaradda Britain ee Kabul ayaa sheegay in shaqaale ka tirsan safaaradda oo la saarnaa mid ka mid ah baabuurtooda ay waxyeelo ka soo gaartay weerarakaasi.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in aysan kala caddeyn in baabuurkaasi uu ahaa bartilmaameedka weerarkaasi iyo in kale. Ururka Taalibaan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax weyn, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qofka weerarkaasi gaystay uu saarnaa mooto halka qaar kalena ay sheegayaan in uu ahaa qof saran baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Weerarkani ayaa ah weerarkii ugu dambeeyay weeraro taxana ah oo ka dhacayay caasimadda dalkaasi Afghanistan ee Kabul.

Labo askari oo mareykanka ah ayaa Isniintii la soo dhaafay lagu dilay weerar ka dhacay Kabul.