UK oo adkaynaysa sharciyada soogalootiga

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Cameron oo ka hadlay soogalootiga ka imaanaya EU

Ra'isul wasaaraha dalka Britain David Cameron, ayaa shaaca ka qaaday qorshayaal uu ku doonaya in uu ku yareeyo tirada dadka soo galootiga dalkiisa uga imaanaya waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Tallaabooyinkaasi, waxaa ka mid ah in dadka soo haajiray aysan mudda afar sano ah heli doonin lacagta ceyrta iyo guryaha dowladda ee la siiyo dadka aan dakhli ku filan haysan.

Waxa uu sheegay in loo oggolaan doono in ay dadkaasi soo galaan UK kaliya haddii ay shaqo ka helaan gudaha Britain.

Cameron, ayaa sidoo kale sheegay in ay faa'iido ugu jirtay Britain dadka dhaqaale doonka ah ee dalka uga imaanaya Yurub, balse waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay in la xadido tirada dadkaasi si waafaqsan danaha qaran ee dalka.

Iyadoo doorashada guud ee Britain lagu wado in ay dhacdo sanadka soo socdo, ayaa xisbiga Cameron ee Conservative-ka, waxaa cadaadis ku haya axsaabta soo-galooti-diidka ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in uu doonaya in uu wadahadal kala yeesho David Cameron qorshahan uu soo jeediyey.