Mubarak oo dacwad lagu waayay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusbi Mubaarak

Maxkamad ku taalla waddanka Masar ayaa waxa ay tuurtay kiis ka dhan ahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi, Xusni Mubaarak.

Maxkamadeyntan oo aheyd tii labaad ayaa waxaa uu Mubaarak ku eedaysnaa inuu ka dambeeyay dilkii boqolaal qof oo dibaxbayay oo la dilay intii uu socday kacdoonkii carabta ee 2011-kii.

Kiisas ka dhan ahaa dhowr sarkaal oo sarsare oo dhanka ammaanka ah oo ka tirsanaan jiray maamulkii Mubaarak ayaa iyana waxba kama jiraan laga soo qaaday.

Madaxweynahan hore ayaa laba sano ka hor waxaa lagu xukumay xabsi daa'im, hasayeeshee waxaa la amray in farsamo ahaan dib loo maxkamadeeyo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxa ay ka bari yeeshay Mubaarak iyo wiilashiisa eedo dhanka musuqa ah.

Hasayeeshee weli xor ma ahan. Oo waxaa la filayaa inuu xabsiga ugu sii jiro dhowr bilood oo kale eedo taa ka duwan oo ah ku takrifal dhanka dhaqaalaha.

Image caption Dad usoo baxay taageerada Mubaarak

Taagerayaasha Mubaarak ayaa ku dhex mashaxaraaday maxkamadda, halka banaankana ay ku dabaaldegayeen wadada, iyagoo ku tilmaamayay madaxweynihii hore "halyey Qaran".

Hasayeeyee meel u dhaw ayaa waxaa isugu yimid qaraabada dadkii lagu dilay kacdoonkii 2011-kii, waxaana halkaasi ka jiray naxdin iyo jahawareer.

Waxa ay sheegeen in ay tahay in qof un uu mas'uul ka noqdaa dilalkii faraha badnaa ee dhacay.