Dagaal ka dhacay Mudug

Image caption Dagaalyaano ka qeyb qaadanayo dagaal Muqdisho ka dhacay sanado ka hor

Wararka ka imanaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in 15 qof ay dhinteen 25 kalana ay dhaawacmeen kaddib markii ay laba beelood ku dagaalameen dhul ay xooluhu daaqaan.

Labada beel ayaa ku dagaalamay deegaanka War-shubo oo hoos timaadda degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dhawaacyada labada dhinac ee dagaalamay ayaa la kala geeyay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa bilawday maalintii Jimcaha, wuxuuna soo gaaray ilaa saaka aroortii.