Musuqmaasuqa ciidamada Ciraaq

Lahaanshaha sawirka reuters
Image caption Ciidamada Ciraaq

Ciidamada Ciraaq ayaa laga helay konton kun oo askar oo aan jirin.

Baaritaan lagu sameeyay musuqmaasuqa ciidamada Ciraaq, ayaa lagu helay konton kun oo qof oo aan askar ahayn oo mishaar qaata.

Askartan ayaa ah kuwo aan jirin, shaqana iman, laakiin mishaarkooda ayaa la bixiyaa.

Hadal uu soo saaray xafiiska Raii'salwasaaraha, ayaa lagu sheegay arrintan sida ay u waynayd, iyo in la joojiyay lacagtii mishaarka ee dadka aan jirin.

Musuqmaasuqa ka jira ciidamada Ciraaq ayaa loo arkaa mid ka mid ah sababaha ay Ciraaq ay ula halgamayso kooxda Daacish ee waqooyiga iyo galbeedka qabsaday.