Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baaq nabadeed ee colaada Mudug

Waxaa soo baxaya baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo dhinacyada ku dagaalamaya qaybo ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan tuulooyin hoos yimaada degmada Xarardheere oo ay ku dhinteen dad farabadan kuna dhawaacmeen kuwa kale.

Xaaladda ayaa iminka dagan inkastoo aanay jirin cid si toosa u kala dhex gashay miliishiyooyinka dagaalamay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa wararkii ugu danbeeyay iyo baaqyada nabadeed ee la jeedinayo ka soo diray magaalada Muqdisho.