Qadar iyo Ruushka oo markale la eedeeyay

Lahaanshaha sawirka EPA

Eedaymo dheeri ah oo musuqmaasuq ayaa loo soo jeediyay markii la qabanayay tartankii cida marti galinaysa koobka ciyaaraha adduunka ee 2018 iyo 2022, Kuwaas oo ay ku kala guulaysteen Ruushka iyo Qadar.

Wargayska Britain ka soo baxa ee Sunday Times ayaa sheegay in madaxwaynaha Ruushka Vladamir Putin uu kaalin wayn kulahaa tartankii wadankiis u uu galay marti galinta ciyaaraha kubadda cagta adduunka.

Sidoo kale waxaa Qadar lagu eedeeyay in galaangalkeeda sare ee khayraadka dabiiciga ah ee gaaska in ay u adeegsatay in ay ku hesho codadkii ay u baahnayd.

Laakiin wargaysku ma uusan soo bandhigin cadaymo rasmi ah oo muujinaya eedaymahaasi.

Qadar iyo Ruushku markaste waa ay diidaan in ay wax khalad ah sameeyeen