Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalinta aids-ka adduunka

Maanta waxa ay ku beegan tahay Kowda bisha December, oo loo asteeyay maalinta AIDS-ka adduunka, waxaana laga hadlaa dhibaatooyinka uu ku hayo cudurkan malaaayiin qof oo dunida ku nool.

Soomaaliya bukaanada qaba virus-ka dhaliya cudurka AIDS-ka waa la takooraa, taas oo adkaysa in bukaanku helo dawo iyo iyagoo inta badan qarsada cudurkan. Waxay ka baqayaan in lagu ogaado taasina waxa ay ka qayb qaadataa faafida cudurka oo aan laga haynin xog rasmi ah gudaha Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa la kulmay madaxa barnaamijyada cudurka AIDS-ka ee wasaaradda caafimaadka Dr Sacdiya Cabdi Samad Cabdulaahi, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay tirkoobyada ku saabasan cudurkan gudaha Soomaaliya, waxayna ku jawaabtay.