Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Xaaladda Aids-ka Somaliland

Somaliland dadka ku nool oo qaba xannuunkan, waxay helaan daawayn, iyadoo la siiyo daawooyinkii ugu dambeeyay ee la sameeyay sanadkan ee lagula dagaalamo viruska AIDS-ka uu ka dhasho.

Dr Cabdiraxmaan Cabdillaahi Maxamed, wuxuu ka warbixiyay noocyo cusub ee daawooyin lagu daweeyo bukaanka HIV-AIDS, iyo xaaladda cudurkaasi ee deegaanada Somaliland.

Wuxuu u warramay wariyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.