WFP oo ka digtay qaxootiga Suuriya

Lahaanshaha sawirka WFP.Eyad al Baba
Image caption Gargaarka WFP

Haya'da cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegtay inay hakinayso cunto gargaar oo ay siiso in kabadan 1.7 milyan oo qof qaxooti reer Suuriya ah. Waxay sheegtay in lacag la'aan ay ku qasabtay inay joojiiso bixitaanka lacah ay qaxootiga kaga iibsan karaan cunto dukaamada ee dalalka Urdun, Lebanon, Turkey, Ciraaq iyo Masar.

WFP waxay ka digaysaa gargaar cunto la'aanteed, in reero badan ay baahan doonaan xiligan qabowga ah.

Madaxa WFP ayaa ugu baaqday dalalka deeqda bixiya inay kordhiyaan deeqda. Waxay sheegtay joojinta barnaamijka cuntada inay dhibaato wayn u keenayso qaxootiga ayna kordhinayso deganaansho la'aanta waddamada ay joogaan.