Xiriirka Turkey iyo Ruushka

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan iyo Vladimir Putin.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa booqasho ku jooga Turkey, si uu wadahadal lagu kordhinayo xirriirka dhaqaalaha ula yeesho dhigiisa Recep Tayyip Erdogan.

Turkey ayaa ah waddanka labaad ee ugu wayn ee uu Ruushka xiriir ganacsi la leeyahay, labada waddana waxay doonayaan inay saddex jibaaraan ganacsiga u dhaxeeya.

Inkastoo Xiriir dhaqaale oo adag ay leeyihiin labada waddan,waxay isku khilaafsan yihiin siyaasadda arimaha dibnadda gaar ahaan Suuriya iyo gobolka Crimea ee Ukrain ee Ruushka ku biiray.