Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shariif Xasan oo la caleemo saaraayo

Maanta magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo xaflad lagu caleemo saarayo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Adan.

Shariif Xasan, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee maamul goboleedkaasi.

Shariifka ayaa horay usoo noqday Afhayeenka Baarlamka ee Soomaaliya intii u dhaxaysay 2004-tii ilaa 2007-dii, markalana waxa uu Afhayeenka Baarlamanka noqday intii u dhaxaysay 2011-kii iyo 2012-kii.

Madaxweynaha Soomaliya iyo wafuud heersare ah ayaa la filayaa inay xafladda ka qayb galaan.

Hadaba sida ay wax u socdaan ayaa waxaanu ka wareysannay Cabdi Adan Hoosoow, gudoomiyaha gobolka Bay, waxa uu u warramay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.