Kenyatta: Waan la dagaalameynaa Shabaab

kenya_minister_police_chief Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa badalay wasiirkiisa amniga gudaha, Joseph Ole Lenku, isagoo ku badalay Major General Joseph Nkaisery, wuxuuna aqbalay iscasiladda taliyaha Police-ka kaddib weerar ay dabley Al-shabab ah ku dileen 36 shaqaalo kaawada qoda.

Go'aanka ayaa waxaa sheegay madaxweyne Uhuru Kenyatta intii uu ku jiray qodbad Tv-ga uu ka jeedinayay. Wuxuu sheegay inuu aqbalay shaqo ka fariisiga taliyaha Policeka, David Kimaiyo.

Madaxweynaha waxa uu ku tilmaamay kuwa weerarka Mandheera qaaday oo toogtay ama madaxa ka jaray kuwa aan Muslimiinta aheyn inay yihiin xayawaano waalan.

Wuxuu ku booriyay Kenyanka inay ku midoobaan wax uu ugu yeeray dagaalka argagixisada looga horjeedo.

Toban maalmood ka hor ayey Al-shabaab dileen 28 rakaab aan Muslimiin aheyn kaddib markii ay afduubteen bas isla goobtaas Kenya ku taal taas oo u dhaw xadka Soomaaliya.

Eeg qariidada hoose goobaha xadka u dhow ee dilalkii ugu ambeeyay ka dhaceen dalka Kenya.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service