Xaaska iyo Wiilka Al-Baqdadi oo la xiray

Wararka ka imaanaya Lebanon ayaa sheegaya in xaaska hogaamiyaha Dowladda Islaamka, Abuubakar Al-baqdadi, iyo mid ka mid ah wiilashooda ay ku xireen ciidamada Lebanon xadka ay la leeyihiin Syria.

Wargeys fadhigiisu yahay Beirut, Assafir, ayaa sheegay in la xiray dhowr maalmood ka hor iyagoo u gudbayay Lebanon oo sitayna waraaqo been abuur ah, waxaana su'aalo lagu weydiinayaa xarumaha wasaaradda difaaca. Dowladda Islaamka ayaa afduub ku haysata ciidamo Lebanon ah, waxayna ku hanjabeen inay dilayaan. Wariyaha BBC-da ee halkaasina waxa uu sheegayaa in xarigan ugu dambeeyay ay Bayruut u isticmaali karaan in cadaadis ay ku saaraan Dowladda Islaamka.