Obama oo sheegay in Ebola aan laga adkaan

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ebola ayaa dad badan ku dilay qaar ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegaya in dagaalka ka dhanka ah cudurka Ebola uusan dhammaanin, inkastoo istiraatiijiyadda US ee lagula dagaallamayo cudurka ayaa wax ku ool noqotay.

Asigoo ka hadlayay machadka qaran ee caafimaadka ee Maryland, waxa uu sheegay in "istiraatiijiyadeena waxa ay bilaabeysaa inaan aragno natiijada. Waxaan arkeynaa hormarro la sameeyay, balse dagaalka kuma dhowa xittaa inuu dhammaado. Illa iyo inta cudurka uu ka socdo galbeedka Afrika, waxaa sii arki doonnaa kiisas gudaha dalka Mareykanka. Galbeedka Afrika, tani waxay sii ahaaneysaa Ebolaihii ugu xumaa ee taariiqda ugu dheeraa.”

Mr Obama ayaa golaha Congress-ka ugu baqay inay meelmariyaan dhaqaala dheeraad ah oo lagu kor dhinayo dadaalka si looga hortago Ebola.

Xilli sii horeysay, hay’adda caafimaadka ee MSF, ayaa si adag u cambaareysay jawaabta caalamiga ah ee laga bixiyay caabuqan faraha ba’an ku haya galbeedka Afrika, waxayna ku sheegtay dhaciifnimo, iyo gaabis.

MSF ayaa sheegtay in shaqada ka hortaga cudurka si ballaaran loogu eegtay dhaqaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo hay’adaha gargaarka.