Pele oo caafimaadkiisa soo hagaagayo

Pele Lahaanshaha sawirka AP

Xiddiga reer Brazil, Pele, ayaa ka baxay qeybta naf ka dhowrka isbitaalka isagoo ka soo bogsanaya caabuq uga dhacay xagga kaadida.

Pele oo sedax jeer ku guuleysay koobka adduunka sanadihii 1958,1962 iyo 1970kii ayaa isbitaalka Sao Paulo ee Alberto Einstein la dhigay 24kii november.

Hadal ka soo baxay isbitaalka ayaa lagu sheegay 74 jirka inuu wanaagsan yahay iyadoo aysan jirin caqabado daaweynta ah. Shaqada kilidiisa ayaa dib loo eegi doonaan arbacada balse wuu fiican isagoo wax cuni kara, kuna dhex socon karo qolkiisa, wuxuuna qaadanayaa daaweyn deg deg ah.

Pele ayaa markii hore isbitaalka laga bixiyay 13kii November kaddib markii qaliin looga saaray dhagxaan kilida uga jirtay.

Waxaa si weyn loogu aaneeyaa inuu yahay cayaartoyga ugu weyn markasta, wuxuuna dhigay rocod caalami ah oo uu ku dhaliyay 1281 gool 1363 cayaarood. Wuxuu ka soo muuqday 14 jeer cayaaraha kama dambeysta koobka adduunka isago dhaliyay 12 gool, waxaana lagu abaalmariyay kubadda dahabahiga ee Fifa isagoo noqoday cayaartoyga ugu fiicanaa 1970kii.