Baarlamaanka oo ka doodaya mooshinka

Image caption Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha waxaa u dhexeeyo khilaaf

Magaalada Muqdisho, waxaa la filayaa in mar kale ay kulmaan xubnaha baarlamaanka oo ay ka doodaan Mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Mooshinkan ayaa horey buuq uga dhaliyay baarlamaanka, waxaana natiijo la'aan ku dhamaaday saddex fadhi oo baarlamanka ka yeeshay.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr maalin ka hor sheegay in isafgarad laga gaaray khilaafkii u dhaxeyeey xubnaha baarlamanka ee ku aadanaa motionka ka dhanka ah xukumada Ra'isil wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

War qoraal ah oo maalintii sabtida ka soo baxay xafiiska guddoonka baarlamaaanka ayaa lagu sheegay in kullan ku saabsan mooshinka la qaban doono, xildhibaanada ay ka doodi doonaan mooshinka.

Guddoomiyah baarlamaanka soomaliya ayaa hakiyey kulamdii baarlamanaka isbuuc ka hor, kadib markii xubnaha baarlamanka ee tagersan ra'isul wasaraha ay seddex jeer is hortaageen in la qabto kullan looga doodo mooshinkaasi.

Hasayeshe xildhibaanada diidan mooshinka ayaa weli ku adkeysanaya in mooshinkaas yahay sharci-daro, laakiin ay ogolyihiin hadda in laga doodo.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa khilaaf soo kala dhexgalay kaddib markii Ra'iisul wasaaraha uu isku shaan-dheen ku sameeyay golaha wasiirada.

Madaxweyne Xasan SHeekh Maxamud ayaa isku shaandheentaasi diiday, taas oo dhalisay muran ballaaran.