Dharka askarta US oo lagu xirayo kamira

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kaameradan ayaa la damacsan yahay inay muujiso dhaqdhaqaaqa askeriga

Madaxweyne Obama ayaa ku baaqaya in aad sare loogu qaado kaarimooyiinka lagu xiro jirka askarta ka mid ah booliska, taas oo daba socota dilka wiil aan hubeysneyn oo madow ahaa oo lagu toogtay deegaanka St Louis duleedka Ferguson.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu la kulmayo hogaamiyayaasha ururada xuquuqda dadka, taas oo daba socota dibad bax rabshado sababay oo ka dhashay go’aankii ahaa inaan la dacweyn karin askeriga dilka geystay oo cadaan ahaa.

Mr Obama ayaa sheegaya inuu doonayo 75 milyan oo dollar, oo lagu bixiyo kaamerooyiin yaryar oo lagu xiro dharka askar gaareysay 5kun, ayna xirtaan kaamerooyiinkaasi marka ay shaqada ku jiraan.

Madaxweynaha dalka MAreykanka ayaa qorsheynaya in seddax sano lagu dhiso barnaamij kalsooni dhexdhigi kara booliska iyo dadka rayid ka ah, taas oo ay ku bexeyso 263 milyan oo dollar.