Qarax ka dhacay Muqdisho

Image caption Qarax ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay, dad kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay qof is qarxiyay iyo gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, laguna beegsanayay kolonyo gawaari ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa ka mid ah goobaha aadka loo ilaaliyo ee caasimada Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weerarkaasi.