Shiinaha oo joojinaya siibida xubnaha dadka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maxaabiista Shiinaha

Dalka Shiinaha ayaa ballan qaaday in 1-da bisha January uu joojinayo dhaqanka murranka dhaliyay ee dadka maxaabiista ah ee la daldalo kaddibna xubnaha jirkooda lagala baxayo.

Maamulka Shiinaha ayaa maxaabiista ugu badan waxa ay ku xukumaan dil sanad walba marka loo barbar dhigo dunida inteeda kale, waxaana lagu qiyaasay 2400 in lagu daldalay dalkaasi sanadkii 2013-kii.

Maxaabiista dilka lagu xukumo ayaa qeybaha jirkooda waxaa in muddo ahba loo isticmaalayay in la siiyo dadka xaalladaha deg-degga ah ku sugan.

Dalka Shiinaha, sanad waliba ku dhawaad 300,000 oo qof ayaa u baahan in xubnaha jirkooda laga bedelo, balse 10,000 oo ka mid ah ayaa helo qalniinka xubnaha jirka loogu bedelayo.

Shiinaha ayaa hoy u ah suuqa kala iibsiga xubnaha bani'aadamka.

Isku aday lagu sameyn rabay shabakad isku xiran oo qaabilsan tabarucaad jirka bani'aadamka ah ayaa suura geli waaysay, iyadoo ay jirto caada dhaqameed ah in qofka xubnihiisa ay ahaadaan kuwa dhameystirin kaddib markii uu dhinto.