Dad Shiinees ah oo lagu xiray Kenya

Lahaanshaha sawirka GETTY IMAGES
Image caption Gabdha Shiinees ah

In ka badan 70 qof oo u dhalatay Shiinaha ayaa lagu xirxiray Kenya, iyada oo looga shakisanyahay in ay magaalada Nairobi ka wadeen howlgalo lagu jabsanayay kumbuyuutarada.

Waxaa lagu soo xirxiray dadkaasi weerar lagu qaaday guri raaxo oo la sheegay in loo isticmaalayay goob lagu sameeyo dembiyada dhanka Internet-ka ah.

Warbaahinta gudaha ee dalka Kenya yaa sheegtay in dadka Shiinaha u dhashay ee laga shakisanyahay ay heysteen qalab lagu jabsan karo akoontiyada bangiyada, iyo nidaamka lacagta lagu keedsado ee telefoonada dalka Kenya.

Safaarada dalka Shiinaha ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay in ay gacan ka geysaneyso baaritaanka arrintan.