Mudane lagu dilay Muqdisho

Mid ka mid ah laba qarax oo ka dhacay Muqdisho 3-dii November, 2014
Image caption Mid ka mid ah laba qarax oo ka dhacay Muqdisho 3-dii November, 2014.

Laba weerar oo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana weerarradaasi lagu qaaday xildhibaano hore iyo haddaba uga tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa BBC-da loo xaqiijiyay in weerarkaasi uu ku dhintay Liibaan Cabdulaahi oo horay xubin uga ahaa baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay xildhibaan Mayoow Mustaf oo hadda ka tirsan baarlamaanka.

Markii ay qaraxyada dhacdeen ayaa waxaa xabbada is weydaarsaday ciidamada nabad sugida oo halkaa ka dhawaa iyo kooxihii dilka geystay.

Waxaa israsaaseyntaasi ku dhaawacmay afar ka tirsan ciidammada nabad sugida.

Saraakiisha ayaa sheegaya in ay eryadeen kooxihii dilkaasi geystay, balse aysan u suura gelin in ay soo qabtaan.

Waxaa masuuliyada qaraxyadaasi sheegtay ururka Al-shabaab.