Dadka madow oo dibedbaxyo ka wada USA

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption dibadbax hore oo lagaga soo horjeeday askari cadaan ah oo toogasho ku dilay wiilyar oo madaw oon aan hubaysnayn

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Eric Holder, ayaa bilaabay qorshaha xuquuqda madaniga ah si baaritaan loogu sameeyo geerida nin madow ahaa oo lagu dilay magaalada New York.

Holder ayaa ballan qaaday in baaritaanka uu noqon doono mid madax bannaan oo cadaalad ah.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo ururada bulshada rayid ka ah ayaa shaaciyay in isbuuca soo socda la isugu soo baxo magaalada Washington, waxayna doonayaan inay ka dibad baxaan qalalaasaha booliska.

Xeerbeegtida magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa diiday oo xukumay in dacwado dambi ah lagu soo oogo askeri caddaan ah oo ceejin ku dilay nin madow ahaa oo aan hubeysneyn.

Askarta New Yorka Ayaan laga mamnuucay in ay qofka ceejiyaan marka ay qabanayaan ama ay doonayaan inay xiraan.

Qareenka u doodayay familka ninka dhintay ayaa sheegay inay la yaabeen xeerbeegtida oo sheegay in ay halmaameen cadeynta oo ahayd fiidiyow muujinayay askariga oo ninkan ceejinaya.

Muuqaalkaasi ayaa laga dhex maqlayay isaga oo cabaadaya oo leh ma neefsan karo.

Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, ayaa sheegay inuu rajeynayo in shacabku ay dareenkooda ku cabiraan si nabadgalyo ah.