Haweenka oo ragga ka mushaar hooseeya

Warbixin cusub ayuu ururka shaqaalaha caalamiga ku sheegay in haweenka qeybo badan oo dunida ah qaataan mushaar ka yar kan ragga iyadoo ay ka wanaagsan yihiin aqoon, qibrad iyo waxsoosaarba.

Afhayeenka ururka ayaa sheegay in haweenka ay ka darajo sareeyaan ragga marka loo fiiriyo mushaar qaadashada.

Afhayeenad u hadashay ururka oo joogto Geneva, Kristen Sobeck, ayaa BBC-da u sheegtay in waxyaabo badan ay saameyn ku yeesheen faraqa mushaar bixinta oo si balaaran ay ugu kala duwan yihiin dalalka.

Waxay sheegtay in hooyonimada ay badi tahay arinta, loona baahan yahay haween badan inay qabtaan jagooyinka maamulka.