ICC oo ka hartay dacwadda Kenyata

Xaakimiinta maxkamadda caalamiga ee dambiyada ayaa la noqday eedaha loo haystay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Kenyata ayaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan aadanaha oo la galay kadib rabshadihii doorashada 2008. Xafiiska qareenka ayaa sheegay inaysan weli hayan cadeymo ku filan oo lagu maxkamadeyn karo mas'uuliyadda uu ku lahaa dambaydii la galay. Waqti badan oo dacwada lagu diyaariyo ayaa la diiday.