ICC oo tuurtay dacwadii Uhuru Kenyatta

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta

Dacwad ooggayaasha maxkamada dembiyada caalamiga ah ayaa la laabtay eedeymihii ka dhanka ahaa madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa loo haystay in uu galay dembiyo ka dhan ah bani’aadanka xilligii ay socotay rabshadii dhiiga badan uu ku daatay ee Kenya ka dhacay sanadkii 2008-dii.

Xafiiska dacwad oogga ayaa sheegay in aanu haynin caddeyn ku filan oo muujineysa in Mr Kenyatta uu dembi galay.

Dacwad oogga ayaa loo diiday waqti dheeraad ah oo uu kiiska isugu diyaariyo.