Ra'iisulwasaare Cabdiweli oo kalsoonidii lagala laabtay

Image caption Ra'iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonidii kala laabtay ra'iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed.

Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah u qaaday mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdiweli, waxaana mooshinkaasi taageeray 153 mudane, halka ay diideen 80 mudane.

Waa markii afaraad oo ay xildhibaanada ka shiraan codka kalsooni u qaadida Cabdiweli Sheekh Axmed, kaddib markii ay isku dayo hore ku dhammaadeen buuq.

Howlihii dowladda ay cuuryaamiyay tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeeya ra'iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa xumaaday xaaladda ammaanka ee caasimadda Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa ah ra'iisul wasaarihii labaad ee uu baarlamaanka codka kalsoonida kala laabto sanad gudihiis.

Dalka Mareykanka ayaa canbaareeyay mooshinka, oo uu ku sheegay mid aan dan u aheyn sahacabka Soomaaliya.