Hagel oo Afghanistan booqasho ku maraya

Lahaanshaha sawirka US DoD
Image caption Chuck Hagel oo gaaray Kabul

Xoghayaha difaaca Mareykanka ee xilka ka degaya, Chuck Hagel, oo booqasho aan la shaacin ku tegay dalka Afghanistan, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in ciidammada ammaanka ee dalkaasi ay ka guuleysan doonaan ururka Taalibaan ee weerarrada ka geysta caasimadda Kabul iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ka tirsan.

Booqashadiisa ayaa kusoo beegmaysa iyada oo dhammaadka bishan lagu wado in uu soo afjarmo howlgalka ciidammada caalamiga ah ay dalkaasi ka wadeen 13-kii sano ee lasoo dhaafay.

Chuck Hagel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay wax lala yaabo ahayn awoodda xooggaga Taliban ee ah in ay weerarro ka fuliyaan gudaha caasimada Kabul.

Waxaa uu sheegay in ujeedka Taliban uu yahay in ay dhibaan dowladda midnimada qaran ee Afghanistan, ayna shaki galiyaan kalsoonida ay shacabka ku qabaan dowladda cusub.

Mr Hagel ayaa intaa ku daray in aanay suuragal ahayn in Taliban ay ku guuleysato ujeedkeeda.

Xoghayaha ayaa sheegay in uu hoggaanka cusub ee Afghanistan iyo taliyayaasha ciidammada Mareykanka ka jooga dalkaasi uu kala hadli doono ammaanka Afghanistan.

Mareykanka ayaa doonaya in marka la gaaro dhammaadka sanadka soo socda ee 2015-ka, Afghanistan ay ka joogaan ciidammo tiradoodu tahay 5,500 oo askari, balse waxaa muuqata in tiradaasi dib u eegid lagu sameyn doono.