Weriye Mareykan ah oo lagu dilay Yemen

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Weriye Luke Somers

Luke Somers, oo ah weriye Mareykan ah oo ay heysteen Al-qacidada Yemen ayaa la dilay xilli la doonayay in laga soo badbaadiyo kooxdii haysatay.

Howlgalka lagu doonayay in weriyaha lagu soo furto ayaa waxaa saaka si wadajir ah u fuliyay ciidama gaar ah oo ka socda dalalka Mareykanka iyo Yemen, waxaana uu ka dhacay gobalka koonfurta Yemen ku yaalla ee Shabwa.

Dhowr dagaalyahan oo ka tirsan Al-qacida ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen howlgalkaasi, waxaana saraakiisha Mareykanka ay u sheegeen qoyska weriyahaasi in wiilkoodii uu dhintay.

Mr Somers ayaa sanadkii la soo dhaafay lagu afduubtay caasimada dalka Yemen ee Sanca.

Kooxda afduubatay ayaa sheegtay in ay dilayaan haddii waxa ay dalbadeen aan la fulin.