Midowga Yurub oo booqanaya Turkiga

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Midowga Yurub waxa uu doonayaa in Turkiga uu ka qeyb qaado dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Yurub ayaa booqasho laba maalmood ah ku maraya dalka Turkiga, usbuuc uun kaddib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu booqday dalkaasi.

Madaxa arrimaha siyaasadda Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalkaTurkiga.

Midowga yurub ayaa la filayaa in uu Turkiga cadaadis ku saaro in uu kala shaqeeyo dagaalka ka dhanka ah kooxda khilaafada Islaamka ee dalka Suuriya.

Turkiga ayaa in muddo sanado ah doonayay in uu ku biiro Midowga Yurub balse arrintaasi ayaa si gaabis ah u socota, waxaana mararka qaar sii xumaanayay xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac.