Amnesty oo eedeysay Israel

Gaza building Lahaanshaha sawirka AFP

Hey'adda caalamiga ee Amnesty ayaa ku eedeysay Israel inay gashay dambiyo dagaal markii ay burburiyeen afar dhismo oo muuqaal weyn lahaa intii uu socday weerarkii Gaza.

Amnesty waxay sheegeysaa burburinta dhismooyinkaas rayidka ah ay yihiin falal ciqaab wadareed ah. Waxay ku dooday xitaa hadii Israel ay rumeysan tahay in ciidamo Falastiin ah ay qeyb dhismaha ka mid ah adeegsadeen, inaysan jirin baahi ah in lawada burburiyo.

Israel ayaa uga jawaabtay in militerigeeda aysan toos u bartilmaameedsan shacab iyo hantidooda iyadoo weerarkaasina lagu hagayay qalab militeri.