Farqiga Fuqarada iyo Taajirnimada

Dalalka dunida waxaa lagu dhiirageliyay inay waxbadan ka qabtaan dhameynta kala fogaashaha sii fidaya ee u dhexeeya faqriga iyo taajirnimada.

Ururka dhaqaalaha, iskaashiga iyo harumarka, OECD, ayaa sheegay isla ekaasho la'aanta u dhexeeya faqriga iyo taajirnimada ay gaartay heerkii ugu sareeyay muddo 30 sano ah taas oo dhaawaceysa kobaca dhaqaalaha.

OECD waxay sheegeen in kuwa ugu qanisan dadka oo ah toban boqolkiiba ay hadda heleen 9 laab daqliga dadka ugu hooseeya. Waxay sheegeen inay tani horjoogsatay waxbarashada dadka taagta daran, waxayna hoos u dhigtay isusocodka bulshada, waxayna xanibtay horumarka xirfadaha muhiimka u ah dhaqaalaha.