Labo qarax oo ka dhacay magaalada Kano.

Labo qarax oo bam ayaa ka dhacay meel suuq ah magaalada waqooyiga Nigeria ee Kano.

Qaraxyada ayaa lala eegtay suuq dharka lagu sameeyo oo badi dad ka kala yimid Nigeria iyo dalalka dariska la ah ay ka buuxaan.

Xarumaha cafimaadka ayaa sheegaya in 7 qofood ay dhinteen in kabadan 30 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyadaas.

Bishii hore, in kabadan boqol qofood ayaa ku dhimatay weerar lagu qaaday Masaajid ku yaalla magaalada Kano, waxaana loo maleynayaan inay weeraradan ka dambeeyaan ururka Boko Haram.