Cunoqabteynta oo Russia Dhaawaceysa

Ra'iisul wasaaraha Russia, Dmitriy Medvedev, ayaa ku booriyay dadka Ruushka inaysan ka nixin hoos u dhaca qiimo ee lacagta wadanka.

Wareysi toos ah oo ka baxayay dhowr Tv oo Moscow ku yaala ayuu ku shegay in qof waliba oo la siiyay lacagta Rouble-ka uu xanuun dareemay . Wuxuu ku dhiirgeliyay dadka inaysan lacagtooda u badaln dollar ama euro isagoo tilmaamayay qaladaadkii la sameeyay lix sano ka hor qiima dhicii lacageed.

Medvedev waxa uu sheegay in cunoqabateynta reer galbeedka ay dhaawaceyso dhaqaalaha Russia, wuxuuna sidoo kale sheegay in yaguna ay dhawacayaan galbeedka.