Mareykanka oo xirayo xabsiga Bagram

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Gudaha Xabsiga Bagram ee Afghanistan, oo ay ka muuqdaan maxaabiis

Waasaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay xirayso xarun dadka lagu xiro oo ku taalla saldhigeeda cirka ee Bagram ee waddanka Afghanistan.

Afhayeenka Pentagonka ee siyaasadaha maxaabiista, Koloneel Myles Caggins, ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan maxaabiista uu Mareykanka hayo ama lagu wareejin doono dowladda Afghanistan ama dib loogu dhoofin doono dalalkooda.

Xabsiga Bagram ayaa la sameeyay waxyar un kaddib weerraradii 9/11.

Iyadoo howlgallada huwanta ay ka fuliyeen dalka Afghanistan lagu xiray boqolaal dad la tuhunsan yahay ah, oo lagu hayo xaalado ay muran badan ka dhasheen.

Maxaabiista aanan helin cid sharciga ku matasha.

Mareykankuna waxa uu ka gaabsanayay inuu sheego wadammada ay u dhasheen maxaabiista weli gacantiisa ku harsan.

Inta badan maxaabiista ku xiran saldhiga cirka ee Bagram ayaa halkaasi ku xirnaa muddo sanado ah iyagoo aanan loo maxkamadeyn wax dambi ah.

Koloneel Caggins ayaa difaacay hab dhaqanka milateriga Mareykanka, isagoo sheegay in ay ku fuliyaan howlgalada si waafaqsan heshiisyada Geneva.