Jihaadiyiinta "5000 ayay dileen" muddo bil ah

Dagaallamayaasha ururka Daacish Lahaanshaha sawirka AP

Baaris ay sameysay BBC-da ayey ku ogaatay in weerarada jihaadayaasha ay ku dileen dunida in ka badan shan kun bishii November.

Daraasad, uu sameeyay Kings College London, ayaa isku dayeysa inay cabirto inta uu la egyahay dagaalka jihaadayaasha dunida iyagoo adeegsanaya wararka iyo warbixinada baraha bulshada.

Daraasadda ayaa diiradda saartay kooxaha xagjiriinta ee Sunida oo ay ku jirto Al-qaacidda, laamaheeda iyo kuwa la fakarka ah. 16 koox ayaa ka fulisay weeraro dalal 14 ah oo ay kooxda dowladda Islaamka mas'uul ka tahay tirada dhimashada ugu badan oo ah 44 boqolkiiba. Dhimashada oo u badan rayid ayey tiro badan oo militeri ahi ku jiraan.

Boko Haram oo ka dhisan Nigeria ayaa ah kooxda labaad ee dhimashada badan ka timid. Daraasadda ayaa muujineyay in jihaadayaasha ay yihiin kuwo damacoodu kordhayo oo adag.