Xanuun aan la aqoon oo dilay 9 qofood

Ugu yaraan 9 qof ayaa geeriyootay boqol kalena waa ay xanuusanayaan kadib markii uu soo ritay xanuun aan la aqoon magaalada Muqdisho.

Inta badan dadkasi oo ku nool degmada Yaaqshiid ayey wararku sheegayaan inay ku xanuunsadeen wax ay cabeen.

Dad goob joog ah ayaa BBC-da u sheegay inay arkeen gaadiidka gurmadka deg degga oo dad qaadaya balse aysan ogeyn waxa ku dhacay dadkaasi.

Inkastoo aan baaris dhab ah lagu sameyn waxa keenay xanuunkan hadana dhakhaatiirta iyo saraakiisha caafimaadka ayaa aaminsan in dareero ay dadka cabeen uu ku keenay fuuq bax deg deg, xaaladooduna halis tahay.

Ceelasha biyaha Muqdisho ayaa ku yaal gudaha magaalada iyagoo guntoodu aanay dheereen si fududna ku wasaqobi kara.