Dameero ku "dibedbaxay" Nairobi

Magaalada Nairobi ee Kenya ayaa saakay lagu arkay dameero lagu soo qorey "Tumechoka" oo micnaheedu yahay "waan daalnay".

Ereygan ayaa halkudhag looga dhigay dibedbaxyadii looga soo horjeeday ammaan darrida dalka ka jirto, ee la qabtay bishii tegtay ee November.

Ciidammada dowladda hoose ee Nairobi ayaa markii dambe waddada ka qaaday dameerradaas.

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Magaalada Nairobi ayaa ku waabariisatay dameero lagu soo daadiyay bartamaha magaalada
Lahaanshaha sawirka other
Image caption Dadweynaha magaalada ayaa u daawasho tegay dameerada waddada lagu soo daadiyay
Lahaanshaha sawirka other
Image caption Dameerada waxaa lagu qoray ereyga "Tumechoka" oo micnahiisu yahay waan daalnay.
Lahaanshaha sawirka other
Image caption Ereygan "Tumechoka" waxaa uu halkudhag u ahaa kooxo horey u qabtay dibedbaxyo looga soo horjeedo ammaan darrida dalka ka jirto.
Lahaanshaha sawirka other
Image caption Dowladda hoose ayaa ugu dambeyntii baabuur ku qaadday dameerada "dibedbaxayay"