Israa'iil oo ka xun dilka wasiir reer Falastiin ah

Ziyad Abu Ceyn Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ziyad Abu Ceyn ayaa sawirkan laga qaaday ka hor inta uusan geeriyoonin.

Wasiirka Difaaca Isra'iil, Moshe Yaclon, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhimashada wasiir reer Falastiin ah, oo lagu magacaabo, Ziyad Abu Ceyn, oo geeriyooday kaddib markii iska horyimaadyo dhexmareen ciidammada Isra'iil.

Yacloon ayaa sheegay in la baarayo arrintan, oo ka dhacday Daanta Galbeed.

Sawri lagu baahiyay internetka ayaa muujinayay askeri Israa'iili ah oo dhuunta ama cunaha hayo Ziyad Abu Ceyn.

Abu Ceyn ayaa markaas kaddib dhulka ku dhacay isagoo xabadka haysta.

Madaxweynaha Falastiniyiinta, Maxamauud Cabaas, ayaa falkaasi ku tilmaamay mid waxshinimo ah, oo marna aan loo dul qaadan karin.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay inuu aad uga murgay waxa uu ku tilmaamay dilka arxan darrada ah.