Heshiis laga gaari la'yahay isbadalka cimilada

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Warshad ku sii deyneysa qiiq hawada

Wufuuda qaramada midoobey ee ka qeybgalaya shirka isbedelka hawada ee ka socdo dalka Peru, ayaa hal maalin uga dhimantahay inay heshiis ka gaaraan yareynta qiiqa faraha badan ee hawada lagu siidaayo.

Weriye BBC ka tirsan oo ku sugan xarunta wadahadallada ayaa sheegaya inay umuuqato in aan la gaareyn heshiis cusub maanta oo jimco ah, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry uu dalalka oo dhan ugu baaqayo in la joojiyo khilaafka, fursaddana laga faa’ideysto.

Mr Kerry ayaa sheegay in jiilalka mustqbalka ay eegi doonaan waxqabad la’aanta iyo fashilka mustaqbalka.

Dalalka qaniga ah waxa ay doonayaan in dalal badan ay wadaagaan culeyska xakameynta wasaqeynta hawada, balse dalalka hormaraya ayaa si adag u diiday arrintaasi.