Dhaqaalaha argagixisada

Sidee kooxaha xagjiriinta ku helaan lacagta, maxayse dowladaha ka qaban karaan si ay u joojiyaan. Waa faalada Tom Keatinge oo ka socda Rusi oo ah machad difaaca iyo ammaanka oo madaxbanaan fadhigiisu yahay UK.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ka hor 12 bilood, kooxda loo yaqaano IS wax yar ayey dunida ka taqiin marka laga raabo kuwa u safrayay ee doonayay inay ku biiraan iyo kuwa ammaanka iyo daaraasaadka ee la socda wararka Syria iyo Iraq.

Xitaa markii ay soo baxayeen, waxaa laga soo qaaday kuwo kale oo ka faa'ideysanaya dagaalka ka abuurmay Syria iyo fidista dagaalka lala galay madaxweyne Asad.

Bishii January ee 2014, madaxweynaha Mareykanka Barak Obama muhiimad badan ma siin awoodaha iyo qataraha ay leeyihiin kuwa ka lulaya calanka Al-qaacidda Falluja iyo meelaha kale ee Iraq iyo Syira.

Hase ahaatee, maalmo yar gudahood, IS waxay gacanta ku dhigtay dhul muhiim ah oo balaaran kuna fidsan waqooyiga Syria iyo Iraq.

Xoghayihii hore difaaca Mareykanka, Chuck Hagel, ayaa ku tilmaamay IS "Kooxihii ay arkeen tii ugu adkeyd uguna dhaqaalo rooneyd". "Waa ka sareeyaan koox argagixiso, si weyn oo aan caadi aheyn ayey u maalgashan yihiin" ayuu yiri.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Xaqiiqaha Cusub

In ka badan koox kasta oo xagjir ah sida suurgalka ah ayey halka isha ku hayaan bulshada caalamka ay tahay dhaqaalaha IS, daqliga ay ka hesho saliidda, canshuurta, waxa ay xoog ku helaan iyo bililiqada.

Isbahaysiga uu Mareykanka hogaamiyo ayaa u weeciyay qeyb weyn oo duqeyntiisa cirka ah warshadaha salidda iyo jidadka la mariyo ee la aaminsan yahay inay yihiin halka ugu weyn ee dhaqaalaha kooxda, taas oo sida la rumeysan yahay ah hadii laga carqaladeeyo ilaha dhaqaale in ugu dambeyn ay qeyb ka noqoneyso dhamaadkooda.

Muhiimadda maalgelinta dagaalka waxay wax hore u tahay sida dagaalka. Afhayeenkii Romanka Marcus Tullius Cicero ayaa yiri "Xoogga dagaalka waa lacag aan istaageyn"

Xilli aan sii fogeyn, dagaalkii qaboobaa ayey wadamada maalgelin jireen dagaalka siyaasadeed iyagoo dhaqaale iyo taageero siinaya wakiiladooda.

Si kasta ha ahaatee, dhamaadkii dagaalka qaboobaa iyo adeegsiga go'aankii golaha ammaanka ee looga horjeeday wadamada sida Libiya iyo Sudan ayaa logu arkay hoos u dhac weyn argagixisada ay dalalka maalgeliyaan.

Iyadoo ururada sida Hezbollah ay ku sii shaqeeyaan taageero dal, ayey dagaalka qaboobaa kaddib ururada argagixisada aysan badi awoodin inay isku haleeyaan maalgelinta dal. Sidaa dareedeed, ay u baahdeen inay iyagu heleen ishooda dhaqaale.

Hab maamuleed lacageed oo sareeya waa wadnaha guusha argagixiso kasta ama urur falaago. Waxay u taagan tahay dhiigga noloshooda, waana meelaha ay aadka ugu nugul yihiin.

Deeq-bixiyayaasha

In la helo maalgelin laysku haleyn karo oo joogto ah waa furaha looga gudbayo bilowga koox xagjir ah laguna noqonayo koox argagixiso oo la aqoonsan yahay oo jiritaanka afka iyo gacan isku haynta looga baxo oo lagu noqonayo hab nidaamsan.

Kooxaha guuleysta badi waxaa lagu aqoonsadaa in ka badan xirfadooda tan maamulka dhaqaale iyo qibradooda militeri iyo awoodooda ay ku qortaan dagaalamayaal.

Sida guud, kooxaha argagixisada waxay dhaqaalaha ka heli karaan labo qeybood oo weyn.

Gudaha, dhaqaalaha waxay ka sameeyaan canshuuraha dadka, ganacsiga iyo wadooyinka gaadiidka; laga bilaabo afduub, madaxfurasho iyo faa'idada ganacsiga.

Dhaqalaha banaanka waxaa bixiya deeqbixiyayaal u beerjilicsan waxa ay sameynayaan oo ah taageerayaal maalqabeen ah (badi ka yimid dalalka khaliijka, mararka qaarna loogu yeero "Silsiladda dahabka" ama xunbnaha bulshada qurbajoogta.

Mararka qaar deeqaha ayey isku gudbiyaan kooxaha isku fakar ah. Tusaale ahaan, kooxda Boko Haram ee Nigeria ayaa lagu waramayaa inay ka heleen 250,000 Al-qaaciddada Maqrib (AQIM) sanadkii 2012.

Warqad ka timid 2005 hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-qaacidda, Ayman Al-zawahiri, ayaa ugu baaqay Al-qaacidada Ciraaq inay soo gudbiyaan $100,000 sababo la xiriira in la jaray meelo badan oo ay ka heli jireen qarash.

Maadaama deeqdu tahay bilowga maalgelinta, way u jilicsan tahay inay carqaladeeyaan mas'uuliyiinta ama ay noqoto deeq aan laysku haleyn karin.

Si loo abuuro dhaqaale madaxbanaan, kooxaha argagixisada waxay u baahan yihiin inay ka gudbaan maalgelinta dibadda ayna sameystaan mid gudaha oo ah dhaqaalo ay iyaga abuurtaan taas oo ku adag bulshada caalamka inay carqaladeyso.

Drugs

Al-shabaabka Soomaaliya ayaa ah tusaale la tilmaamo. Iyadoo ay kooxdu ka helyso qarash cayiman dibadda ayey sameeyeen ganacsiga dhoofinta dhuxusha oo aad waxtar u leh kaas oo laga helo ku dhawaad 80miliyan sanadkii sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Al-shabaab waxay kaloo qatar ku noqdeen hab kale oo maalgelin oo ah ganacsi iyo canshuuraha gaadiidka. Sida IS, Al-shabaab waxay xukumaan dhul iyo dad iyagoo u shaqeeya sida dowlad, waxay ka ururiyaan canshur, waxayna bixiyaan adeegyo gaar ahaan nabadgalyada iyo cadaaladda.

IS waxay u ballanqaadeen adeegyo iyo sahay cunto Muslimiinta meelaha ay xukumaan.

Xukunka dhulka wuxuu sidoo kale u ogolaanayaa ganacsi faa'ido leh sida beerista geedka daroogada Afghanistan.

In ka badan 70 bilyan ayaa lagu bixiyay la dagaalanka ganacsiga daroogada wadanka iyadoo ay jirto 13 dawladood oo NATO horkaceyso, qodoshada daroogada marwalba waxay aheyd mid sare oo ay Taliban booska ay joogto Afghanistan uga faa'ideysaneysay inay noqoto qeybiyaha dunida in ka badan 90% daroogadaas si ay u helaan 150 milyan sanadkii.

Kooxaha oo dhan ma maamulaan dhulka laga helo canshuurta iyo waxa kale oo xoogga lagu helo. Kuwa deggan gobalka Sahara iyo Sahel waxay daqliga ka helaan labo meelood

Afduubka dalxiisayaasha shisheeye iyo shaqaalaha madaxfurashada laga helo taas oo kooxda ka heshay 100m sanado.

Tan labaadna waa maamulidda jidadka dhuumaaleysiga daroogada ee laga soo duuliyo Latin Amerika.

ka ganacsiga la haystayaasha.

Madaxfurashada afduubka si badan ayey u isticmaalaan kooxaha argagixiada. Al-qaacidda khaliijka (AQAP), oo saldhigoodu yahay Yemen waxaa lagu qiyaasayaa inay kasbadeen $20m, tani waxay u dhaxeysay 2011 iyo 2013.

Qaramada Midoobay waxay hoosta ka xariiqday faa'idada ganacsigan iyadoo dhawaan sheegtay in kooxaha argagixisada ay heleen qiyaas ahaan 120m oo madaxfurasho ah laga bilaabo 2004 ilaa 2012.

IS kaligeed waxaa la rumeysan yahay inay heleen 45m sanadkii la soo dhaafay.

Hadii kooxaha xagjiriinta ay tahay inay iyaga isdhisaan oo ay jiraan, horumaraan waxay u baahan yihiin inay sameystaan ilo laysku haleyn karo oo dhaqaale oo ku yaal dhulka iyo dadka iyo ilaha halka ay maamulaan.

Al-qaacidada Iraq (AQI) waxay ogeyd qatarta muhiimadda dhaqaale taas oo ku cadeyd docmento muhiim ah oo lagu qabtay Iraq kaddib 2003 markii la galay kaas oo kooxda ku qeexday maamul xumo dhaqaale iyo daqli aan joogto aheyn inuu keenay guuldarada kooxda.

Ilaa weeraradii 9/11, bulshada caalamka waxay raadisay inay joojiso kooxaha argagixisada iyagoo beegsanaya dhaqaalahooda. Tallaabadii ugu horeysay ee madaxweyne George W Bush uu ku baaqay "Dagaalka argagixisada" ay aheyd in la qaado " Duqeynta aasaaska dhaqaalaha shababakadda argagixisada adduunka".

Sida aan marqaatiga ka nahay waqooyiga Syria iyo Iraq in la dhibaateeyo dhaqaalaha xagjiriinta ma ahan howl fudud marka ay sameeyeen isku xirnaan gudaha iyo dibadda oo ah isku filnaasho ah.