ICCda oo hakinaysa baaritaanka dambiyada dagaal ee Daarfuur

Lahaanshaha sawirka AFP

Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Fatou Bensouda, ayaa sheegtay inay hakinayso baaritanadii ku aadanaa dambiyo dagaal oo laga gaystay gobolka Daarfuur ee waddanka Sudan, sababo ay ku sheegtay taageero la’aan kaga timid Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

2009-kii ICCdu waxa ay ku eedaysay madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, inuu xasuuq ka gaystay gobolka Daarfuur, hasayeeshee aanan la soo xirin isaga iyo dadkii kale ee la tuhunsanaa, wuuna diiday inuu aqoonsado jiritaanka maxkamadda.

Iyadoo hadal u jeedinaysay Golaha Ammaanka ayaa Fatou Bensouda, waxa ay sheegtay in dib u dhaca uu kalsooni galiyay dadka galay dambiyada inay sii wadaan falal dambiyeedka – gaar ahaan kuwa ay u gaystaan haweenka – hasayeeshee ay haatan ku qasban tahay in dhaqaalaha ICC-da ay u weeciso kiisas kale oo degdeg ah.

Fatou Bensouda, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in “isbadel weyn lagu sameeyo” habka uu arrintan u wajahayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Darfur ayaa waxaa ka taagnaa qalalaase tan iyo sanadii 2003-dii markaas oo ay fallaagadu hubka qaateen.

Dadka ka faallooda arrimaha Suudaan ayaa sheegaya in aanay suuragal ahayn in Golaha Ammaanku uu tallaabo ka qaado sababta oo ah Shiinaha oo halkaasi ku leh codka qayaxan ee Veto-ga, caadiyadana taageera Suudaan.

Bishii la soo dhaafay, Suudaan ayaa waydiisatay Ciidammada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee (UNAMID) in ay xiraan xafiiskooda xuquuqul insaanka ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Tallaabadan ayaa timid xilli xiisado ay ka taagan yihiin iskuday uu howgalku ku doonayay inuu ku baaro eedaymo sheegaya in ciidammada Suudaan ay kufsi wadareed ka gaysteen tuulada Taabit ee gobolka Daarfuur.

Sikastaba, Suudaan ayaa sheegtay in baaritaan u gaar ah oo ay sameysay aanay ku helin wax caddeyn ah oo qeexaya in cid la kufsaday.